Dhageyso Gudoomiye Cabdulaahi Waafow Oo Ka Warbixiyey Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacy Deeganka Muuri

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed ayaa ka waarbxiyey dagal culus oo barqadii maanta ka dhacay deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaada hoose.

Mudane Waafow ayaa sheegay in kooxihii nabad diidk ahaa ee Alshabaab ay soo qaaadeen weerar culus, ka dib markii ay kasoo duulleen deegaanada kala ah Sabiid, Caanoole, Moordiile iyo Mareerey, isagaoo sheegay in dagaal culus ay la galeen Ciidamada Maamulka iyo kuwa Miudowga afrika ee AMISOM.

Waxa uu beeniyey warar been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Cadowga oo ku sheegay in dagal beeleed malintii labaad uu ka dhacay deegaanka Muuri, dagaalkii maanta ayuu ku tilmaamay mid xiriir la leh kuwii horey uga dhaxeeyey Ciidamda Maamulka iyo kuwa nabad diidka ah ee Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE