Diyaaradaha Shirkadda Turkisha Airlines Oo Maanta Ku Guuleystey Inay Ka Degto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Shirkadda diraadaha Turkisha Airlines ayaa maanta kasoo degtey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Mjqdisho ka dib laba safar oo ay dib u celisey rakaabkii ay wadey.

Laba diyaarad oo shirkadda ay leedahay ayaa ku xayirnaa Garoonka magaalada Mombaasa ee dalka Kenya, waxaana ku xiyirnaa ilaa 400, oo rakaab kuwaas oo doonayey inay kasoo degtaan Muqdisho.

Saraakiisha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in diyaarada Turkish Airlines ay u degi weyday dabeylo jira awgeed, isla markaana ay diyaarada ogoshahay kaliya inay ku degto dabeyl u cayiman, sidoo kale waxaa ka mamnuuc ah in diyaarada ay dusha sare magaalada marto, si ay uga degto garoonka, sidaas darteedna ay dhanka badda ka timid, kuna degi weyday garoonka, dabeylo dhanka badda ka imaanayay darteed oo diyaarada xamili weyday inay ka hor-tagto, taasna ay sababtay inay degi weydo.

nta badan xawli dhinaca hawada ah ayaa ka dhaca garoonka Muqdisho,marka ay hawada ka soo dhaceyso dhinaca Koonfurta,Turkish Airlines ayaana soo dulmarka badda,iyagoo sababo amniga uga leexanaya inay soo dulmaaran dusha sare ee magaalada Muqdisho.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE