Faafaahinno Laga Helaayo Dagaal Kooban Oo Caawa ka Dhacay Duleedka Magaalada Marka

Caawa Fiidkii markii sacadda ay aheyd 7:35 pm ayaa waxa uu dagaal kooban ka dhacay deegaano dhaca duleedka magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka oo u dhaxeeyey dad Shacab ah iyo Maleeshiyada Kooxda alshabaab ayaa ka dhacay deegaanada Gub-yarey iyo Ismaan Quulle oo ku beegan Waqooyig magaalada, waxaana dagaalka markii dambe ku biirey Ciidamada difaaca ee deegaanka Buufow-bacad.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa sida ay caadeysteen caawa doonayey in ay dhacaan xoolaha deegaankaas lagu dhaqdo, hase haatee shacabka oo intiisa bdan hubeysnaa ayaa difaac adag kaga hortagay, iyadoo markii dambe ay u gurmadeen Ciidamada Maamulka Marka oo saldhig ku leh deegaanka Buufow.

Muddo kooban ayaa rasaas culus leysku dhaafsadey deegaand Gubyarey iyo Ismaan Quulle, waxa halkaas si hal haleel ah uga baxsadey Maleeshiyada burcdda ah ee cadeysatey dhaca iyo boobka hantida masaakiinta.

Deegaano bdan oo ku yaalla Shbeelada hoose ayaa waxa ka socdo dagaallo isir sooc ah oo Maleeshiyada Alshabab ay ku bartilmaameedsaneyso Beesha Biimaal, ka dib heshiis dhaqaale badan uu ku baxay oo ay la galeen Maleeshiyada dhul boobka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE