Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xeef Oo Lagu Caleema Saarayo Mgaalada Cadaado

Magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa maalinta berito ah in lagu caleema saaro Madaxweynaha dhaawaan la doortey Axmed Ducaalle Geelle Xeef.

Wafood kala duwan ayaa maanta gaartay magaalada Cadaado si ay ugu diyaar garoobaan Xafladda Caleema Saarka, waxaana maanta halkaasi wafooda geeyey diyarado kala duwan.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa diyaarad gaar ah beri u raaci doona xarunta sida kumeel gaarka uu u degyahay Maamulka xuduudiisa ay kasoo bilaabato koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa manta ka mid ahaa wafooda gartey Cadaado, si uu usii diyaariyo xarumha la dejinayo Wafuuda heerka calami ee xafladda ka qeyb galeysa.

Caleema saarka hogaamiyha Galmudug Xeef oo lagu waday inay dhacdo 24-kii bishan ayaa dib loo dhigay, ka dib   safar Madaxweyne Farmaajo uu dibadda uga maqnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE