Horjoogayaasha Maleeshiyada Alshbaab Oo Shuruudo Ku Xirey Sii Deysmda Odayashii Ay Ka fduubteen Shabeelada Hoose

Maleeshiyda Alshabaab ayaa habeenkii Arbacada ee todobaadkii hore afduubtey Odayaal gaaraya ilaa 42 Odey dhaqameed kuwaas oo ay ku haaystaan deegaank Mubaarag ee ka tirsn degmada Awdheegle.

Odayaasha ayaa ku jira xabsi dhib badan, waxaana halkaas ku haaysta duruufo xagga nolosha ah, iyadoo intii Odayaashu xirnaayeen uu xabsiga ku dhex geeriyoodey mid ka mid ah dadka maxbuus ahaan ugu xirnaa halka ay xanuunsanyihiin ilaa shan Odey kale oo xaaladdooda laga deyrinayo.

Dad ku dhaqan Baadiyha Koonfur ee Shabeelada hoose ayaa xiriir ay la sameeyeen horjoogayaasha Shabaab ku weydiistey in loo cadeeyo sababta loo qafaashay Odayaasha iyo dhaca lagula kacay xoolihii ay dhaqan jireen, waxaana sidoo kale laga codsadey in uu sii daayaan.

Horjoogaha Alshabaab u qaabilsan Shabeelada hoose Maxamed Abuu Usama ayaa soo dhaweeyey xiriirka lala sameeyey, hase ahaatee waxa shuruudo uu ku xirey sii deysmada dadka u xiran, iyo cidda damaanad qaadda.

Shuruudaha u soo jeediyey ayaa waxa ka mid ah in : kow looga leexdo Miinooyinka ay ku aasayaan Wadooyinka ay ugu horeyso Wadada dheer ee laamiga ah iyo in lasoo afjaro dagaalada u dhexeeya Biimaal iyo Mooryaanta Gobolada dhexe oo la wada noolaado, waxaa inta uu raciyey in dhul beereed badan oo ku yaalla Shabeelada hoose ay ka heli jireen dhaqaale la tabcan waayey dagaalada dartood taasna wuxuu sheegay in y ka dagaalami doonaan.

Qodobka ugu dambeeyey ee sii deysmada Odayaasha uu ku xirey ayaa lagu sheegay in uu ahaa in la helo dad kasoo jeeda Beesha Biimaal oo saxiixa qodobada uu soo jeediyey islamarkaana qaada mas’uuliyadda Odayasha iyo guud ahaan Beesh.

Weli majiraan xaqiiqooyin dhab ah oo kasoo baxay sida laga yeelayo sheekada kasoo yeertey horjoogaha Alshabaab ee Shabeelada hoose, iyadoo ay adagtahay in la fuliyo labada qodob hore ee uu soo jeediyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE