Madaxweyne Farmaajo Oo Xilal Kala Duwan U Magacaabay Shakhsiyaad Caan Ah

War laga helay Madaxtooyda Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajo uu magacaabay lataliyayaal dhow oo kala shaqeyn doona arimaha amnig, dhaqaalaha iyo maamulka.

Aqoonyahan lagu magacaabo Amiin Axmed Sheekh Caabdiraxmaan ayaa Madaxweyne Soomaaliya wuxuu u magacaabay taliyihiisa dhinaca dhaqalaha iyo arimaha maamulka.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu xil u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka mid ah Saaxiibada ugu dhow Madaxweynha sidoo kalana lagu xanto inuu ka dambeeyey doorashadii uu ku guuleystey.

Fahad Yaasiin ayaa sida wararka ay sheegayaan loo magacaabay Taliyha dhinaca Amaanka ee Madaxweynaha, waxaana wararka Fahad Yaasiin ay yihiin kuwoo si aad ah isu soo taraayey.

Waxa jira warar sheegaya in mgacaabidda Fahad Yaasiin ee dhinaca Amniga ay codsatey dowladda Qadar oo si aad ah u aaminsan ninkan, isagoo door weyn ku lahaa labadii doorasho ee ka dhacdey dalka sanadihi 2012-kii iyo sanadkan 2017-ka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE