Markab Sida Raashiin Gargaar Oo Kusoo Xirtey Degedda Magaalada Berbera

Degedda magaalda Berbera ayaa waxa kusoo xirtey markab laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabka, kaas oo sida la sheegay uu ku raranyahay Raashiin gargaar oo loogu talagalay dadka reer Somaliland.

Raashiinka saaran Markabka ayaa waxa soo dhiibtey hey’ad lagu magacaabo Khalifa Ben Zayid Al Nahyan Foundation, kaas oo ka  kooban Bariis, Bur, Sonkor, Caano iyo cunnooyin kale oo u badan Macmacaan.

Deeqdan raashiin oo kusoo beegantay xilli xaalado adag ay wajahayaan Shacabka Gobolada Somaliland ayaa waxa sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doonaa deegaanada looga baahi qabo.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo doorweyn ku leh Siyaasadda dalka ayaa dhinaca kale waxay is barbar taagtey sidii ay ugu qaban laheyd dadka ay haayso abaarta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE