Mid Ka Mid Ah Hogaamiye Kooxeeyadii Muqdisho Oo Walaac Ka Muujiyey Hub Ka Dhigista Ka Socota Magaalada

Hogaamiye kooxeed hore Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa markii ugu horeysay waxa ka hadlay hub ka dhigista ka socota magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana walaaca uu ka muujiyey sida ay wax ku socdaan.

Waxa uu uu tilmaamay in araintan loo arkayo in lagu beegsanaayo dad gaara ah, Axmed Daaci ayaa sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo in Al-Shabaab hubka ka dhigto, isagoo xusay in hadii dadka heysta qorigii ay amnigooda ku sugayeen laga qaado si kale loo fasiranayo.

Hogaamiye hore Axmed Daaci ayaa sheegay in Gobolka Banaadir kaliya ay ka jirto, in qof qori heysta oo amnigiisa ku sugaya in laga qaado, balse aanay gobolada kale la qabin.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ay hubka kaga dhigayso siyaasiinta iyo hogaamiye kooxeedyada weli hubka kuhaaysta magaalda Muqdisho, waxaana arintaasi  walaac weyn ka qaba hogaamiye kooxeedyada.

Golaha Wasiirada ayaa dhowaan soo saaray go’aano lagu sugayo amniga Muqdisho, kaasoo ay ka mid tahay in aan la ogoleyn in Afar AK47 wax ka badan aan lagu ilaalin karin gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta iyo in cidii lagu arko hubka waa weyn laga qaadi doono.

Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay hub ka dhigis ku sameeyay mas’uuliyiin iyo dad kale oo Muqdisho ku watay hubka waa weyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE