Nin Hubeysan Oo Dad Barakacayaal Ah Ku Laayey Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galguduud

Wararka aan ka heleyno magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa ku waramaya in nin hubeysan maanta uu halkaasi ku laayey dad barakacayaal ah oo ku sugnaa goob lagu bixinaayey raashiin gargaar ah.

Ninkan hubeysan ayaa rasaas ku furey dadka barakaca ahaa ee sugaayey Raashiinka bixintaa, isagoo goobta ku diley ilaa lex qof halka ay ku dhaawacmeen rasaasta ilaa 15 qof oo dhamaantood ahaa barakacayaal goobta ku sugnaa.

Dadka halkasi ku sugnaa ayaa sheegay in Ninka hubeysan ee falka weerarka ah geystey uu ka caroodey qaabka wax loo maamulayey, waxaana markii uu falka geystey ka dib gacanta ku dhigey Maamulka Caabudwaq.

Mamulka ayaa dhankiisa sheegay in xaabsiga ay ku hayaan Ninka laayey barakacayaasha maagaalada. Maamulka ayaa dhinaca kale sheegay in ay cadaaladda horgeyn doonaan.

Magaalooyinka qaar ee dalka ayaa mararka qar waxa ka dhaca falal lagu beegsado dad msaakiin ah oo gargaar la siinayo, waxa siyaabooyin kala duwan loo dhigaa qaababka ay u dhacaan weeraradaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE