Shirka Wadamada Leysku Yiraahdo G7 Oo Looga Hadlaayo Arimaha Tahriibta Iyo Argagaxisada

Shirkii dalalka G7 ee maalintii Khamiista ka furmey dalka Talyaaniga ayaa looga hadley arrimo ay kamid yihiin argagixisada, heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada iyo weliba dhibaatooyinka tahriibta.

Shirka oo sanadkan lagu qabtey dalka Talyaaniga ayaa Raysalwasaaraha dalkaas Paolo Gentiloni doortey in lagu qabto jasiirada Sicily oo ah meelaha ay qaxootigu sida ba’an uga degayaan sanadihii la soo dhaafey.

Raysalwasaaraha Ingriiska Theresa May ayaa iyadu si weyn u riixeysey in shirka laga soo saaro qodobo wax looga qabanayo Argagixsada gaar ahaan sida looga hortaagayo dhanka Internetka oo laga saaro dhamaan macluumaadkooda, xoogna la saaro in aysan adeegsan baraha bulshada (Social media), halka dalalka Jarmalka iyo Faransiisku ay xoogga saarayeen isbeddelka cimilada iyo taabo gelinta heshiiskii Paris.

Dalalka G7 ayaa kooban dalalka deeqaha bixiya, kuna hormarey wershadaha waxanaa kamid ah Maraykanka, Jabaan, Jarmalka, Ingriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Kanada, waxaa la dhisey sanadkii 1975, Ruushka ayaa lagu soo darey sanadkii 1998, waxaase laga saarey 2014 markii ay qabsadeen Gacanka Kirimiya ee dalka Yukrayn isla sanadkii 2014.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE