Deg Deg Ciidamda Maamulka Magaalada Marka Iyo Kuwa Midowga Afrika Oo Howlgallo Culus Ka Wada Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada..

Ciidamada Maamulka magaalada Marka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta waxay howlgallo culus ka wadaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, gaar ahaan kuwa ku yaalla dhinaca Waqooyi iyo dhinaca Bari.

Labada Ciidan ayaa magaalada Marka ka galay ilaa laba meelood oo kala ah dhinaca Ceelxaaji oo ay kasoo galeen duleedka gaar ahaan deegaanka Gub-yarey iyo buurta ku teedsan xaafadda Beyturaas.

Howlgalkan ayaa waxa lagu sugayaa amaanka deeganada hoos yimaada magaalada ka dib markii ay soo bateen falalka weerarada ah ee ay geysanayaan Maleeshiyada Alshabaab, waxaana ciidamada ay isku fidiyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada.

Waxa kala firxadey Maleeshiyaadkii magaalada ku sugnaa ee kala ahaa Mooryaanta dhul boobka iyo kuwa Alshabaab oo heshiis ku ahaa dulmiga iyo barakicinta Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE