Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo U Duulay Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Maamul Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw ka duulay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxayna ku wajahan yihiin Magaalada Cadaado oo ay Maanta ka dhacayso Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Gaas ayaa ku biiraya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb Galaya Xafladda Maanta ka dhaceyso Cadaado ee Galmudug.

Amaanka Magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyay waxayna tani ay muujineysa in ay wax iska badalayn Xariirka labada Maamul iyo Xiisadii siyaasadeed ee ka taagneyd labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE