Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Xasaasi Ah Ka Jeediyey Xafladda Caleema Saarka Hogaamiyaha Galmudug (Video)

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulllahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa wuxuu ka jeediyey maanta Xafladii Caleemo saarka madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xeef.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey siyaasiyiinta wax carqaladeeya  ayaa sheegay  ummada Soomaaliyeed , maanta qof xoog ku yimid ma jiro oo uu ugu danbeeyo walaalkay Xaaf, aduunku wuxu hada arkaa Soomaaliya dimuqraadiyada in looga daydo, taasina waxay ku timid waa bisaylka Shacabka Soomaaliyeed, oo maalin walb nin qaloocan laha qabiil igu raaca, oo ay doorteen in nin fiican raaceen iyagoo qabiil eegin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay dowladda hada haysataan waa in aad heysataan, 4sano waa yartahay 2sano waa yartahay, waa in la isla ilaaliyo nin qabiil raba inuu wax ku helo , oo qaldan iska ilaaliya” .

“Shacabka Soomaaliya waa in dowladda ay leeyihiin cagaha u dhigaan, sida jabuuti, waxay ku gaareen xasilooni iyo deganaansho siyaasadeed, shacabka Soomaaliyeed waa in ay taageeraan dowladdahooda , Dowladd goboleedkooda iyo Dowladda Federaalkaba” ayuu hadalkiisa kusoo qatimaya Madaxweyne Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE