Taliska Ciidamada AMISOM Ee Xerada Aalla-yaasir Iyo Maamulka Deegaanka Oo Kormeerey Difaacyada Ciidamada Ee Degmada Nambar 50 (Sawiro)

Taliska Ciidamada AMISOM ee xerada Aalla-yaasir oo uu wehliyo maamulka Degmda Nambar 50 ayaa booqdey dhowr goobood oo ku yaalla degmada iyo difaacyada Ciidamada Maamulka.

Taliyaha ugu sareeya Xerada Aalla-yaasir oo u kuur galaayey xaaladda deegaanka ayaa warbixinno ka dhegeystey Saraakiisha Ciidamada ee difaaca ku jira iyo Mamulka degmada si ay u helaan xog buuxda oo ku saabsan marxallada deegaanka.

Gobaha ay booqdeen ayaa waxa ka mid ah Saldhiga degmada, qaar ka mid ah guryihii la gubay iyo halkii ugu horeysay ee uu ka dhacay dagaalka lagu soo qaadey deegaanka ee aheyd Gurigii uu dgenanaa Gudoomiyaha degmada oo ku gubtey qori Sawan ah oo lagu dhuftey.

Ciidamada geesiyaasha ee difaacyada ku jira ayey ku amaaneen kaalinta mugga leh ee ay ka qaadanayaan sidii deegaanka looga xoreyn lahaa maleeshiyada Alshabaab oo kasoo horjeedda hormarka deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE