Trump Oo Xabadka U Gaaracay Difaaca Wiilka Uu Soddoga U Yahay

Madaxweyne Donald Trump ayaa muujiyey taageerada uu u u hayo wiilka uu Soddoga u yahay ee Kushner, tani oo la xirriirta wararka ku aadan uu isku dayay sammeynta khad isgaarsiineed oo qarsoodi ah oo lala sammeeyo xukuumadda Ruushka.

Hadal qoraal ah oo loo gudbiyey jariirradda New York Times, ayaa Mr Trump wuxuu ku ammaanay “shaqada fiican” ee uu hayo Mr Kushner. Laakiin wuxuu ka gaabsaday in uu toos u sheego eedeymaha ka dhanka ah ninka ay u dhaxdo gabadhiisa Ivanka Trump.

Waxaa la sheegay in Mr Kushner uu wadahadal ka galay hannaan lagu sameynayo isgaarsiin qarsoodi ah, wadahadalkaasi oo uu la yeeshay danjiraha Ruushka u jooga Mareykanka bishii December.

Wargeysyada The New York Times iyo Washington Post ayaa sheegay in uu doonayey in uu isticmaalo adeega isgaarsiineed ee Ruushka si uu uga gambado in Mareykanku dhagaystaan wadahadalladda Moscow, waxaana la sheegay in uu arrimahan sameeyeey ka hor intii aan la dooran Mr Trump, xilliaasi uu ahaa shakhsi caadi ah.

Eedeymaha ayaa soo baxay ka gadaal markii Mr Kushner uu sheegay in uu ku jiro baaritaan ay wado FBI-da oo ku saabsan in Ruushka uu faragaliyey doorashadii Mareykanka ee 2016.

XIGASHO BBC SOMALI

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE