Xildhibaano Ka Tirsanaan Maamulka Jubbaland Oo Xilka Laga Qaadey Ayaa Ka Hadley Sababaha Baarlamaanka Looga Saarey (Video)

Kulan ay shalay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa xilka Xildhibaanimo looga qaaday laba Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Labada Xildhibaan ee xilka laga qaaday ayaa waxa ay xilkooda ku waayen dhaliilo ay u jeediyeen Madaxwaynaha maamulka Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa si rasmi ah loo go’aamiyay inay waayen xilalkooda kadib dhaliisha ay u jeediyeen Hogaamiyaha maamulka.

Xildhibaanada xilalka waayay ayaa Hogaamiyaha ku eedeeyay inaanu daacad ka aheyn howlaha uu u hayo maamulka, isla markaana uu ka macaashayo kheyradka deegaanka ee uu la wadaago dowladaha deriska la ah maamulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE