Ciidamada Isku Dhafka Gobolka Banaadir Iyo Kooxo Hubeysan Oo Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyey Ciidamada isku dhafka ee qaabilsan amaanka Gobolka Banaadir iyo kooxo hubeysan ayaa ku dagaalamay qeybo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa howlgal ku qaadey kooxo hubeysan oo jooga degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Suuqaweyn, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin Kooxo dareyska Milteriga ku labisan.

Kooxaha hubeysan ayaa dagaal kaga horyimid Ciidamada isku dhafka ah ee loo xil saarey amaanka Caasimada, halka Ciidamada howlgalka sameenaayey ay kaga jawaabeen qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaano dhashiikaha.

Ciidamada howlgalka sameenaayey ayaa isku dayey in ay hubka ka dhigaan kooxaha hubeysan ee fariisinka ku leh Suuqa weyn, waxay taasi keentey in labada dhinac ay dagaalamaan, ganacsiga iyo isusocodkii suuqa weyn ee degmada Wadajir ayaa istaagey.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa laga howlgiliyey Ciidamo isku dhaf ah oo loogu talagalay inay xasiliyaan amaanka  Caasimadda, hase ahaatee sida muuqata waxa howlgalkaas ka horyimid hogaamiye kooxeedyo hub ku dhex haaysta Muqdisho.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE