Dhageyso Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Oo Alshabaab Ku Tilmaamay Kuwa Ka Dhib Badan Abaarta Dalka Ka Jirta

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ka hadlay qatarta weli sii jirta ee ay leeyihiin Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Hogaamiyaha Koonfur galbeed ayaa kooxda Shabaab ku tilmaamay kuwo hortaagan hormarka deegaanada K.galbeed, waxa sidoo kale uu ku tilmaamay kuwo ka daran dhibkooda abaarta ka jirta dalka.

Waxa uu soo hadal qaadey in dalka ay ka dhici jirtey abaar hase haatee dadka ay heli jireen gargaar iyo waxyaabo kale oo noloshooda ay ku maareeyaan hasea haatee Shabaabka hortaan ayuu ku sheegay inay tahay caqabad weyn oo u baahan in leyska horqaado.

Dhinaca kale waxa uu ku baaqeyb in hormar fiican laga gaaro dib u heshiisiinta dalka oo uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin in leysugu keeno shirar iyo gole ay ku kala gar baxaan maadaama sanooyinkii lasoo dhaafey ay dhex martey colaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE