Faafaahinno Kasoo Baxaya Diyaarad Kuwa Yaryar Ah Oo Ku Burburtey Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Waxa Faah faahin ay kasoo baxayan diyaarad ay leedahay Shirkadda Bancroft oo goor dhow kusoo dhadey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, Afar qof oo diyaarada saarnaa ayaa ka booday diyaarada, kaddib markii diyaarada ay sameysay degitaan halis

Diyaarada oo lugaha u bixi waayeen, dhowr jeerna ku dul wareegatay ayaa ku bur burtay dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha, halkaasoo ay iminka dhex taalo, Diyaarada ayaa ah nooca yar ee loo yaqaano Focker-ka.

Saraakiil ka tirsan Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa sheegaya in diyaarada ay markii hore soo gudbisay farriin deg deg ah, kaddib markii ay lugaha u bixi waayeen, isla markaana shidaalka uu gabaabsi ka ahaa.

Howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa wax xoogaa ah hakad galay, iyadoo markii dambe ay dib u bilowdeen howlaha duulimaadka markii halka loo yaqaana Run-weyga laga qaadey diyaarada cilidowdey.

Shirkadda Bancroft oo ah shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ka taageerta dhinacyada tababarka, la talinta amniga, iyadoo shirkaddan ay leedahay eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ee ka qeyb qaata howlaha sugida amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xerada Xalane.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE