Ciidamada Aamaanka Ee Boosaaso Oo Gacanta Ku Dhigey Gaari Ay Ka Buuxaan Qaraxyo Iyo Dadkii Wadey (Sawiro)

Ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigey gaari lagu soo rarey aaladaha laga sameeyo qaraxyada iyo laba nin oo gaariga saarnaa.

Gaari nooca loo yaqaan Candha-meydle oo lagu soo rarey khudaar islamarkaana lagu soo dhex qariyey aaladaha qaraxyada laga sameeyo ayaa lagu qabtey koontaroolka magaalada Boosaaso, aaladaha qaraxyada ayaa ka koobnaa Bambooyin, Sanaadiiq, Taargooyin iyo Isgaariinta ay isticmaalaan Ciidamada.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa soo bandhigay qaraxyada iyo laba nin oo wadey gaariga khudaarta ay saarneyd ee lagu soo dhex qarxiyey qaraxyda, waxaana labada nin lagu haayaa xarunta dembi baarista ee Puntland.

Laamaha amaanka ee Boosaaso ayaa dhawaan gacanta ku dhigey shan ruux iyo qaraxyo ay wateen, iyadoo arintan ay ka marqaati kaceyso in Boosaaso ay noqontey meel lagu soo guraayo qaraxyada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE