Dhageyso Gudoomiye Cabdow Abuukar Axmed “Muqdisho Amnigeeda Yaan Lagu Mashquulin, Iyadoo Aan Lagu Guuleysan Amaanka Gobolada Shabeelooyinka”

Gudoomiye ku xigeenka Siyaasadda degmada Nambar 50 Cabdow Abuukar Axmed ayaa ka hadlay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho ee loogu magac darey xasilinta Amaanka iyo Isbaarooyinka yaalla Gobolka Shabeelada hoose.

Mudane Cabdow ayaa marka hore sheegay in aan lagu guuleysan karin isbaaro qaad iyo waddo nadiifin ilaa aan laga helin Sarkaal daacad ah oo sidii loogu talagalay u bixiya xuquuqda Askariga wadada taagan, oo uu sheegay in la musuq maasuqaayo lacagaha iyo xuquudii uu ku lahaa dowlada ee loosoo dhiibey.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu xasilinaayo Caasimadda dalka, waxaana uu dhaliiley sida ay wax u socdaan oo uu ku tilmaamey in Muqdisho amnigeeda uu ka hagaagi karo Gobolada dalka.

“Waxay Soomaalida ku maah maahdaa Xuun aan kabarkiisa la gooynin dadka waa cuna. Muqdisho kama waardiyeesmeyso Ex Koontarool Balcad iyo Ex koontarool Afgooye, Muqdisho amnigeeda wuxuu ka sugmaa Gobolada dalka oo amnigooda xasila” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda degmada Nambar 50 Cabdow Abuukar Axmed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE