Dhageyso Saraakiisha Amaanka Ee Boosaaso Oo Faafaahin Ka Bixiyey Howlgal Maanta Ay Ku Qabteen Qaraxyo Iyo Dadkii Wadey

Shir Jaraa’id  oo ay si wadajir ah u qabteen gudoomiyaha gobalka Barri Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), taliyaha qeybta booliska ee gobalka Barri G/dhexe Cabdixakiim Yuusuf iyo Duqa Boosaaso Yaasiin Mire ayaa si kulul waxay uga hadleen qaraxyadii lagu qabtay Kontoraalka magaaladaas, kuwaas oo la doonayey in lagu waxyeeleeyo Amniga iyo daganaanshaha gobalka.

Masuuliyiintan waxay sheegeen in ay har iyo habeen dagaal adag ciidamadu kula jiraan unugyo Argagixiso oo doonaya in ay waxyeelo u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxdu waxay balan qaadeen in ay Cadaaladda dhadhansiin doonaan qof kasta oo lug ku yeesha hagardaameynta Shacabka, waxay kaloo cadeeyeen in ay wadaan baaris la xariirta qaraxyadan iyo halka laga soo abaabulay.

Wadayaasha Gaadiidka ayay sidaas oo kale sheegeen in ay waajibkooda marin doonaan, maadaama qaar badan oo kamid ah ay dhagaha ka fureystaan baaqyada iyo amarada dawladda ee ah in aan lala shaqeyn Argagixisada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE