Laba Xidigle Cabdulaahi Cilmi Nuur Oo Caawa Lagu Toogtey Magaalada Muqdisho

Wararka an ka heleyno mgaalda Muqdisho ee Caasiamdda Soomaaliya ayaa caawa lagu toogtey Sarkaal ka tirsanaan Ciidamada Milateriga ee Wasaaradda Gaashaan dhigga Soomaaliya.

Sarkaalka la diley ayaa waxa lagu magacaabi Jirey Cabdulaahi Cilmi Nuur oo darajadiisa Sarkaalnimo lagu sheegay laba xidigle, waxaana dilka sarkaalka ka dambeeyey kooxo ku hubeysan Bistooladoo oo markii ayd ilka geysteenb ka dib goobta isaga baxsadey.

Dilka Cabdulaahi Cilmi Nuur ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir ee Goboilka Banaadir, markii uu dilka uu dhacay ayna baxsadeen kooxihii dambeylada ahaa ayaa waxa goobta gaarey Ciidamada amaanka ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa kusii kordhaya dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan, waxaana 24=kii saac ee lasoo dhaafey dhacay dilala siyaabooyin kala duwan loogu geystey dad kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE