Madaxweyne Dowlada Fedaraalka Oo Diyaarinaayo Qorshe Lagu Badbaadinayo Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wada qorsho cusub oo lagu badbaadinayo Wasiirada Xukuumada Fadaraalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa diyaarinaaya qorshahan oo loo arkey mid badbaado u ah Wasiirada, kadib markii la sheegay inay sii kordhayaan weerarada ay maleeshiyada Al­shabaab ku ugaarsanayaan madaxda dalka.

Qorshaha Farmaajo ayaa la xaqiijiyay inuu yahay bixinta Gaadiidka madaxda ee aanu xabada karin si looga badbaado khatarta ay Shabaab u maleegayaan Wasiirada.

Wasiirada la qorsheynaayo in lasiiyo Gaadiidka aanu xabada karin ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiir xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha.

Madaxweynaha ayaa dhowr dal ka dalbay Gaadiidka waxaana lagu wadaa in wakhtiyada nagu soo beegan ay soo gaaran magaalada Muqdisho si ay ugu anfacaan mas’uuliyiinta uu amaankooda dayacan yahay.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Madaxweynaha dalka uu ka dhawaajiyay inuu ka hortagaayo khatarada ay Shabaab u maleegayaan mas’uuliyiinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE