Mareekanka Oo Tijaabiyey Gantaal Nooca Difaaca Ah Oo Kharsh Badan Uu Ku Baxay (Sawiro)

Sarkaal ka tirsan Milateriga dalka Mareekanka ayaa talaadadii shalay Saxaafadda u sheegay in ay ku guuleysteen tijaabinta Gantaal nooca difaaca ah oo ay dhismihiisa wadeen sanadihii lasoo dhaafay.

Admiral Jim Syring oo ah madaxa waaxda Militariga Maraykanka u qaabilsan dhinaca mashruuca gantaalada ayaa sheegay in tijaabadii shalay ay ahayd mid si weyn loogu guuleystay oo mira dhal noqotey.

Dowlada Mareekanka ayaa sheegtey sanadii 2004-tii in ay hormineyso Gantaalada Sawaariikhda ah ee hawadeeda ka difaacaya Weerarada Gantaal, hase ahaatee sagaal gantaal oo la tijaaibiyey ayaa waxa lagu guuleystey kaliya afar ka mid ah.

Khubaro si dhow ula socda sameynta Gantaaladan ayaa sheegay in lacag gaareysa in ka badan 40 Bilyan oo doolar ay ku kacdey sameynta Gantaallo difaac ah, hase ahaatee waxa laga digey waxtarka Gantaalada qaar ee la tijaabiyey, waxaana laga cabsi qabaa in tayada Gantaal ahaan ay is dhimaan xilliga dagaalada.

Dadaalkan cusub ee Maraykanka ayaa lagu soo beegay xili wadanka Kuuriyada Waqooyi uu dar dar xoogleh geliyey mashruucooda dhismaha Gantaalada ridada dheer oo ay doonayaan inay u adeegsadaan hubkooda Nukliyeerka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE