Nin Ka Mid Ahaa Ergadii Magaalada Ksimaayo Kusoo Dooratey Xildhibanada Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu Toogtey

Kooxo ku hubeysan Bistoolad ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka waxay ku t0oogteen Nin lagu magacaabi jirey Madaxey Aadan Xasan xilli uu ku sugaan qeybo ka  mid ah Xaafadda Seybiyaano.

Dad goobta ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay in dableyda hubeysan ay goobta isaga baxsadeen, waxaana Ninka oo meyd ah markii dambe halkaasi ka qaadeen Eheladiisa.

Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho oo halka dilka uu ka dhacey gaaray ayaa sameeyey howlgal aan macno badan ku fadhinin, iyagoo markii dambe dib ugu laabtey halkii markii hore ay ka yimaadeen, mana jirin dad ay usoo qabteen tuhun la xiriira dilka.

Baraha Internedka ee taageera Alshabaab ayaa lagu sheegey in ninkan uu ka mid ahaa Ergadii magaalada Kismaayo kusoo dooratey Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka, waxaana mas’uuliyadda dilka sheegatey Maleeshiyada alshabaab.

Dilalka loo geysanayo Ergadii kala duwaneyd ee ka qeyb gashay doorashadii Baarlamaanka Fedaraalka ayaa kusii kordhaysa magaalada Muqdsisho, inta badan dilalkaas ayaa waxa sheegta masleeshiyada kooxda Alshabaab oo dilka shacbka caadeystey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE