Wasiiradda Haweenka K/galbeed Marwo Binti Ibraahim Oo Ka Hadashay Dhibaatada Haysato Shacabka Magaalada Marka Ayaa Eedeysay DF (Video)

Wasiiradda Haweenka Maamul Goboleedka K/galbeed Soomaaliya Marwo Binti Ibraahim Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabatey magaalada Baydhabo ayaa si geesinima ah uga hadashay dagaalka barakicinta ah ee lagu haayo Shacabka Shabeelada hoose.

Marwo Binti ayaa marka hore sheegtey inay ka danqeneyso dhibaatada barakaca leh ee lagu haayo dadka nugu ee bulshada oo si khasab ah looga barakiciyey guryihii iyo deegaanadii ay ku noolaayeen, waxaana wax laga xumaado ay ku tilmaantey in la barakiciyo Haween Umul oo dhabtooda ku qaatey Ubadkii ay umusha kula jireen.

Waxa ay dhaliilo usoo jeedisey dadka ms’uuliyadda ay sarantahay oo ka gaabiyey inay wax ka qabtaan xaaladda ka jirta Shabeelada hoose, waxaana arimo siyaasadeed ay ku tilmaantey sida ay xaaladda ka socoto.

Wasiirad Binti aya baaq u dirtey hey’adaha deeq bixiyaasha, iyadoo wax laga murugoodo ku tilmaamntey in bulsho masaakiin ah lagu dhibaateeyo deeganadii ay ku noolaayeen iyagoo aan waxba galabsan.

Siyaasiyiinta deegaanka kasoo jeedda ayey ugu baaqdey inay ka hadlaan masiirka shacabkooda, maadaama ay kuraasta ugu fadhiyaan magaca shacabka la barakicinaayo, waxaana dareena murogo leh ay ka muujisey dhibaatada sii baaheysa ee lagu haayo Shacabka aan hubeysneyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE