Weerar Qaraxya Oo Loo Adeegsadey Gaari Wey Oo Ka Dhacay Magaalada Kaabul Ee Dalka Afgaanistaan (Sawiro)

Magaalada Kaabul ee Caasimadda dalka Afgaanistaan ayaa waxa gilgilay qarax aad u xoogan oo loo adeegsadey Gaari walxaha qarxa lag soo buuxiyey, kaas oo lala eegtey goob amaankeeda si weyn loo adkeeyo.

Gaariga qaraxa oo noociisa lagu sheegay kuwa waaweyn oo laga soo dhaamiyey qaraxyo ayaa lala bartilmaameedsadey meel ay ku yaallaan safaarado iyo xarumo shisheeye, waxaana jira khasaarooyin kala duwan oo weerarka qaraxa ah ka dhashay.

In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootey qaraxa halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300, oo qof oo qaarkood la sheegayo inay qabaan dhawacyo halis ah oo sababi kara in khasaaraha dhimashada uu sii kordho.

Afahayeen u hadlay Boliiska Afgaanistaan ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan noociisa uu ahaa midkii ugu weynaa ee ka dhaca Kaabul, waxa uu intaa raaciyey in goobta lala bartilmaameedsadey ay ku yaallaan safaarado ay ku jirto midda Jarmalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE