Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Amar Culus Dul Dhigey Gudoomiyeyaasha Degmooyinka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa soo saarey amar cusub oo saamneyn ku yeelan kara Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka.

Thaabit oo kulan la qaatey Gudoomiyeyaasha ayaa amar ku bixiyey in ay ka guuraan hoteelada ay degenyihiin, isagoo sidoo kale amrey in ay dhex degaan degmada ay Gudoomiyaha ka yihiin, waxaana meesha uu ka saarey in ay u hoydaan hoteello ama degmo kale oo aana aheyn tan ay maamulaan.

Waxa uu ku hanjabay in xilkiisa uu weyn doono Gudoomiyihii lagu arko isagoo u hoyanaya Hotel ama degmo kale, Gudoomiyeyaasha qaar ayaan diyaar u aheyn in ay degaan degmooyinka xilkooda loosoo magacaabay, halka kuwo qaar ay deegaan ka dhigteen hoteelada Muqdisho.

Inta badan Gudoomiyeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la sheegaa inay ka yimaadeen dalka dibadiisa, iyadoo Gudoomiye Thaabit uu dadaal ugu jiro sidii Gudoomiyeyaasha ay u hanan lahaayeen shacabka ay mas’uulka ka yihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE