Maamulka Gobolada Dhexe Oo Magaalada Dhuusamareeb Ku Xirey Xildhibaanad Cibaada Yuusuf

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuumasamareeb ee Gobolka Galguduud ayaa ku waramaya in xabsiga loo taxaabey mid ka mid ah xildhibaanada Maamulka Gobadalada dhexe.

Xildhibaanad Cibaada Yuusuf Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Gobolad0a dhexe ee ahlusunnah ayaa la sheegay in la xirey ka dib markii ay murmeen ama khiaaf uu soo kala dhex galey saraakiil ka tirsan Ciidamada amaanka ee Dhuusamareeb.

Gabadhan Xildhibaanadda ah ayaa u dhaxdey hogaamiyihii Ahlusunnah Sheekh Yuusuf Maxamed Xeefow ee Geeriyoodey, mana jiro wax war ah oo kasoo baxey hogaanka Kooxda Ahlusunnah ee ku aadan xirigeeda.

Maamulka Gobolada dhexe oo uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu tiriyaa Maamul diimeed mayal adag, waxaana ay maamulaan degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Galguduud.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE