Madaxweyne Farmaajo Oo Wareysi Lagala Yeeshey Waxqabadkiisa 100-maalmood Ee Xilka Uu Haayey

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu wareysigan uu kaga hadlayaa waxyaaba badan oo ay ka mid tahay, waxa u qabsoomay boqolka maalin ee uu xilka hayo, safaradii uu dibadda ugu baxay, dhismaha ciidamada, cunaqabateynta hubka, qaraxyada Muqdisho ka dhaca inuu maqlo iyo in kale, isbedelkii uu ballan qaaday halka uu maray, taariikhdiisa, noloshiisa qoyska, xaaskiisa sida ay isku barteen, kooxda kubbadda cagta ee uu taageero, magaca Farmaajo sida uu ugu baxay, iyo farriinta uu u dirayo dalalka carbeed.

Wareysigan waxaa daabacday wargeyska Sharq-Alawsat ee London ka soo baxa ee afka Carabiga lagu qoro.

Halkan ayaa idin ku soo gudbineynaa su’aalihii iyo jawaabaha Wareysiga:-

SU’AAL: Boqol maalin ayaa ka soo wareegtay markii laguu doortay madaxtinimada Soomaaliya. Xaalad nuucee ah ayaad ka dhaxashay dowladdii kaa horreysay?

JAWAAB: Runtii waxaan dhaxlay xaalad aad u adag oo dhan walbo leh, in kasta oo dowladdii hore ay dadaal ku bixisay la dagaallanka argagixisada, haddana dhanka ammaanka waxaan la wareegay xaalad aad u adag. Xoogagga hubeysan ee Al-shabaab wali waxa ay khattar ku yihiin degganaanshaha dalkeyga. Waxaan dhaxlay xaalad dhaqaale oo adag oo aysan xukuumaddu u bixin karin mushaaraadka ciidamada si nidaamsan, sidoo kale ciidankan waxa uu u baahan yahay nidaamin, dib-u-dhis iyo hubeyn.

Dhanka adeegyada bulshada, wali awoodda dowladda waa mid xaddidan, gaar ahaan adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Ma oranayo inaga ayaa meel ebar ah ka billaabeyna, laakiin caqabadaha nagu hor gudban waa badan yihiin marka la barbar dhigo fursadaha la heli karo.

SU’AAL: Waxaad u gacan haatisay is bedel markii aad ololaha doorashada ku jirtay, waa maxay waxyaabaha aad bedeshay muddada boqolka maalin ee ugu horreysay xukunkaaga?

JAWAAB: Isbedelka waxa uu ahaa hal-heys muhiim u ahaa dhammaan ololaha musharraxiinta galay tartanka doorashada madaxtinamada, waxaana dhamaanteen isku raacsaneyn sida ay muhiim u tahay in arrinka wax laga beddalo, balse aniga iyo kooxdeydaba waxaan lahayn hal ku dhig kale oo aan dhib badaneyn oo ah “ Nabad iyo Nolol”, shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay nabad iyo inuu si sharaf leh u noolaado si la mid ah shucuubta kale, waana laba arrin oo isku xiran, markii ay inoo suurta gasho inaan wax ka bedelno xaaladda ammaan oo aan ka adkaanno khattaraha Al-shabaab iyo Al-qaacida, waxaan awoodi doonnaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sameyno nolol sharaf leh innaga oo dib-u nooleyneyna dhaqaalaha, fursado shaqo abuureyna, arrinkana sidiisii hore ku soo celineyna. si guud, muddadii la soo dhaafay aniga iyo kooxdeyda waxaan ku jirnay xilligii qorsheynta iyo dejinta kala horreynta howsha, xilliga soo socdana waa xilligii fulinta, innagoo og in golaha wasiirradu aysan wali gaarin laba bilood.

SU’AAL Booqashadii ugu horreysay ee aad dibadda ku aaddo waxaad ku tagtay dalka Sucuudiga, maxaa laga fahmi karaa tallaabadaas?

JAWAAB: Booqashadaas waxa ay tusaale cad u tahay halka fog oo uu gaarsiin yahay xiriirka ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo sucuudiga oo taariikh fog leh.. ilaa aasaasihii dowladda Sucuudiga – Alle ha u naxariistee – boqor Cabdulcasiis, Sucuudigu waa uu bar bar taagnaa Soomaaliya xilliyada adag, waxa uuna dhinacya badan uga taageerayay si joogta ah. Waxaan la kulmay u adeegaha labada xaram ee sharfan boqor Salmaan bin Cabdulcasiis oo ii muujiyay sida uu u daneynayo arrimaha Soomaaliya iyo sida uu diyaar ugu yahay joogteynta taageerada Sucuudigda ee dalkeyga. Intii aan boqortooyada joogay waxaan furasadda uga faa’ideystay booqashada dhulka barakeysan, waxaana Alle ka baryay anigoo cumreysanaya inuu ii fududeeyo u adeegidda waddankeyga, guttana mas’uuliyadda, waxaa kale oo aan Alle ka baryay in uu dhibka ka dulqaado shacabkeyga. Waxaan ku farxay in aan xilli siyaasadeedkeyga ku billaabay booqashada Kacbada sharafta leh iyo masjidka nabiga ee sharafta leh si aan uga helo sahay macanawi ah oo aan rajeynayo in ay iga kaalmeyso qaadidda culeyska mas’uuliyadda.

SU’AAL: Inooga warran nuuca taageero ee aad Sucuudiga kala kulanteen?

JAWAAB: Boqor Samaan, Soomaali ahaan wuu inoo gacan furnaa, waana wax aan boqortooyada uga barannay, haddii aan qaar ka mid ah faahfaahiyo, Sucuudigu waxa uu naga taageeraa dhinacyo badan oo ay kamid tahay; dib u dhiska ciidanka, la dagaallanka argagixisada iyo mashaariicda kaabayaasha iyo kabka miisaaniyadda xukuumadda waxaa intaa dheer gargaarka degdegga ah ee u gaarka ah xaaladda abaarta ah ee uu waddanka marayo. Waxaa intaas lagu dari karaa taagerada ay horayba naga siinayeen dhinacyo badan, annagana dhankeena waxaan boqorka u muujinnay in Soomaaliya ay dhinac taagan tahay boqortooyada marka laga hadlayo in la mideeyo aragtiyaha quseeya arrimaha gobolka iyo caalamka, waxaana isku si u arkeynay arrimahaas, markii aan boqor Salmaan la hadlayay, waxaan dareemay inuu yahay walaalka weyn ee ku dadaalaya inuu dhammaan caawiyo. Waxaan rabaa inaan carrabka ku adkeeyo in ammaanka borotooyada uu ku xiran yahay ammaanka Soomaaliya oo aanan aqbaleynin in la xumeeyo, maxaa yeelay waxa ay innaga iyo muslimiinta dunida ku nool oo idil inoo tahay meel ruuxi ah.

SU’AAL: Waxaad ka hadashaa dhismaha ciidanka xoogga, waa maxay qorshahiina arrinkaas ku aaddan, goormee ayaadna u maleyneysaa in aad ka maarmeysaan ku tiirsanaanshaha ciidanka nadab ilaalinta midowga Afrika (AMISOM)

JAWAAB: Dib u dhiska ciidanka xoogga waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay barnaamijkeenna xukuumadeed, waqtiga ugu badan ayuuna innaga qaataa, Si loogu gogol xaaro dib-u-qaabeynta ciidankan iyo nidaamintiisa si sugan, muddadii la soo dhaafay waxaan ku mashquulsaneyn dib u eegista qaab dhismeedka qeybaha kala duwan ee ciidanka iyo tira koobka qalabka ay u baahan yihiin iyo sidoo kale qiimeynta baahiyahooda.

Ciidanka Soomaaliya, iyaga oo la il-daran dhibaatooyin dhinacya badan ka heysta haddane, waxa ay awoodeen in ay guulo ka soo hooyaan dagaalka ay kula jiraan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab, waxaana ku dadaaleynaa in aan hormarino awooddooda. Ilaa hadda waxaan baddelnay hoggaanka sare iyo kan dhexe ee ciidanka, waxaana u magacaawnay hoggaan cusub oo aan aaminsannahay in ay xilligaan mas’uuliyadda qaadi karaan. Waxaan dooneynaa inaan dhisno ciidan nidaamsan oo awooda ilaalinta xuduudaha iyo difaaca dowladnimada iyo sidoo kale xaqiijinta degganaanshaha.

Arrinka ku saabsan ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ka howl gala, qorshaha hadda miiska saaran waa in laba sano gudahood oo hadda ka billaabaneysa dagaalyahannada Al-shabaab laga saaro gobollada ay ku sugan yihiin, iyada oo laga amba qaadayo wada-tashiyada hadda socda, laga billaabo Oktoobar 2018 waxaa si tartiib tartiib ah u billaabanaya yareynta ciidamada AMISOM, si ay booskooda u galaan ciidamada Soomaaliya. Inaan masuuliyadda innaga nafteenna qaadano waaye halka aan u soconno.

SU’AAL: Soomaaliya cuna-qabateyn ayaa ka saran in ay hub soo dhoofsato ilaa billowgii sagaashameeyadii, xagguu marayaa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in cunaqabateyntaas laga qaado si ciidanka loo dhiso loona hubeeyo, sida aad wax yar ka horba aad sheegtay?

JAWAAB: Waan ka xumahay cunaqabateytaas waa sideedii, waxaana ka dhashay in hubeynta ciidanka Soomaaliya uusan wax badan ka duwanaanin hubeynta maleeshiyaadka Al-shabaab, waana arrinka sababay dib u dhaca in Alshabaab la wiiqo oo ay wali halis ugu yihiin xasilloonida. Si arrinkaas wax looga bedelo, waxaa waajib ah inay jirto gaca sarreyn ay ciidamadu ka gacan sareeyaan Al-shabaab, arrinkaasna waxa uu u baahan yahay in cunaqabateyta hub soo dhoofsiga la qaado. Howsha dib u dhiska ciidanka iyo qaabeyntiisa ee aan gacanta ku heyno wax faa’ido ah ma yeelaneyso haddii aan cunaqabateynta la qaadin oo aan ciidanka loo qalabeynin sida ciidamada nidaamiga ah oo qalabeeyo. Annaga wali waan ku dheggannahay codsiga ah xaqiijinta arrinkaan, maxaa yeelay waxaan ognahay in kaalmada ay ciidamada AMISOM na siineyso aysan sii socon doonin.

SU’AAL: Arrinka nidaamka Federaalka ah wali dooddiisu waa ay ka dhextaagan tahay Soomaalida, waxaana jira war sheegaya in aad ka gaabsato nidaamkaan oo aad aaminsantahay dowlad dhexe oo xooggan oo Muqdisho ka maamusho waddanka, maxaad ka leedahay?

JAWAAB: Nidaamka Federaalka ah waa mid ku xusan dastuurka hadda lagu shaqeeyo, aniguna waxaan ku dhaartay inaan dastuurkaas raacayo oo aan dhowrayo, waddanakana aan ku hoggaaminayo, marka meel ugama bannaano aragti shaqsi. Dastuurka aan aqbalnay inuu dhamaanteen naga sareeyo ayaa wax walba ka horeeya. Arrinka labaad; waa maxay nuuca federal ee aan dooneyno ama ku habboon shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdiisa? Howshaas waxaa loo daayay baarlamaanka oo sii wadaya dooddan inuu si sugan ugu sal dhigo.

SU’AAL: Markii lagu doortay kadib, laba jeer ayaad soo muuqatay adiga oo lebiska ciidamada xiran, waxaadna ku dhawaaqday in la soo af-jaro dagaalka Al-shabaab, maka dhigan tahay in awoodda ciidan kaliya aad dooneyso inaan kula macaamisho Al-shabaab?

JAWAAB: Xirashadeyda lebiska ciidanka waxa uu ahaa tallaabo aan ku xusuusinayay shacabka inaan dagaal furan kula jirno argagixisada oo al-Shabaab ah, laakiin ma aaminsani in dagaalka oo kaliya uu yahay sida Alshabaab looga adkaan karo. Doorashadeydi wax yar ka hor, waxaan dhaqdhaqaaqa ugu yeeray wada hadal iyo cafis loo fidinayo ciddii ka tanaasusho dagaalka laba bilood gudahood. Waxaa waaye in aan ogaannaa in aysan dhammaantood ha nuuc ahayn, qaar ayaa la soo jiitay, qaar ayaa wax tabanaya, nuuceey doonaanba ha noqdaan, marka , innaga dhib kuma qabno inaan la hadalno, diyaar ayaan u nahay inaan la fariisanno Asl-shabaabka Soomaalida ah ee aaminsan in ay yihiin muwaadiniin sideenna oo kale ah ee ka waantoobayya falalka qarbudaadda ah, laakiin ajaanibta iyo kuwa sida aadka ah u xag jira ee Al-Qaacida ku xiran iyo kuwa dilka u ooman waan oganahay in aysan aqbaleynin wadahadal ay dowladda la galaan ama cid kale, kuwaas wax aan dagaal ahayn wax kuma laha.

SU’AAL: Dowlado badan ayaa Soomaaliya taageera, isla markaana dano iska soo horjeeda ka leh gobolka iyo dibaddaba. Walwal maka qabtaa in ay saameyn xun ku yeelato xaaladda Soomaaliya ama xiriirka aad dowladahaas la leedihiin?

JAWAAB: Waa sax in Soomaaliya ay saaxiibo badan ay dowladaha caalamka ku leedahay oo waxyaaba badan – oo ay kamid tahay la dagaallanka argagixisada, taageerada xasilloonida koboca iyo maalgashiga dalkenna – naga kaalmeeya, danaha dowladahaan wey kala duwanaan karaan laakiin innaga waxaa na quseeya danteenna, xiriirka aan dowladaha dunida la leenahay waxa uu ku dhisan yahay danta qarankeena iyo danaha labada dhinac ee dowladaas, mana aha wax aan innaga hadda billaabyeno. Waxaan xaqiijinayaa inaanan dooneynin in aan dhinac ka noqono koox gaar ah si aan u dhibaateyno koox kale ama dowlad kale. Waxaa nagu filan xaaladda aan dhexda uga jirno, Soomaaliyana ilaa markii aan xornimada qaadannay waxaan caan ku ahayn dhexdhexaadnimo guud.

SU’AAL: Imaaraadku waxa uu ahaa waddankii labaad ee carbeed oo aad booqato, maxaa idiin kuugu hirgalay booqshadaas?

JAWAAB: Dowladda imaaraadka xilligaan waxa ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya taageera kuwa ugu waaweyn, booqashadeyda Abudhabi-na waxa ay ahayd mid guuleysatay marka dhan walba laga eego, waxaan ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labadeena dal oo ay ugu weynaayeen ammaanka, waxaan sidoo kale isla eegnay horomarka xerada tababarka ciidamada soomaaliyeed oo ay imaaraadku Muqdisho ka dhiseen sidoo kale isbitaalka Sheekh Saa’id ee adeegyada caafimaadka bilaashka ah siiya dadka ku noolo caasimadda, sidoo kale imaaraadku waxa ay ballan qaadeen in ay naga taageeraan barnaamijka dib u dhiska ciidamada iyo in ay gacan ka geystaan bixinta mushaaraadka ciidamada iyo taageerada miisaaniyadda xukuumadda, waxaana sugeynaa in arrimahaan dhowaan ay fulaan.

SU’AAL: Qaabkee ugu habboon in dowladaha iyo hay’adaha carabta ay dalkiina u taageeraan?

JAWAAB: Soomaaliya waa dal dhan kasta in laga taageero u baahan, waxaan nahay dowlad hadda uun madaxa kor u soo qaadeysa sanado badan oo dhibaatooyin is xigxigay ah kadib. Iyadoo ay muhiim tahay taageerada hay’adaha dowladda si ay u awoodaan in ay howlahooda guttaan, haddana waxay ila tahay in la maalgashado ilaha dhaqaale ee hodonka ah ee kheyraadka dabiiciga ah leh , beeraha, kaabayaasha, kheyraadka badda iyo gaadiidka, waa mid kamid ah taageerada ugu muhiimsan ee Soomaaliya la siiyo xilligan, si xasilloonida loo taageero, waxa uu sidoo kale fursado shaqo u abuurayaa dhallinyarada oo ah 70% dadka Soomaaliyeed. Annaga dhankeennana waxaa diyaar la nahay wax walbo oo ay inooga baahdaan maalgashadayaasha carbeed haddi ay noqoto mid si toos ah dowladda u siiso iyo mid ganacsiga gaarka ahba.

SU’AAL Waa sidee xiriirkiina dowladaha deriska ah (Ethiopia, Kenya jibouti) gaar ahaan kuwa ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya?

JAWAAB: Xiriirka aan dowladaha deriska ah la leenahay waa mid wanaagsan, waxaa naga wada dhaxeeya khattarta ah argagixisada, sidoo kale waxaa jira arrima kale oo aan ku wada mashquulsannahay sida arrinta koboca iyo la dagaallanka faqriga. Waxaan booqday Kenya oo aan la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyata, waxaan wada saxiixannay heshiisyo dhowr dhinac ah oo qaarkood la fuliyay, qaarna waddadii fulinta ku jooga. Sidoo kale waxaan booqday Ethiopia waxaan la kulmay Raiisulwasaare Haile Maryam Dessalline oo shaaciyay shirkii London ee bishaan taageeradiisa dowladda Soomaaliya. Jibouti mar walba waa na garabtaagneed, madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee isku dayay xal u helidda dhibaatada Soomaaliya walina arrinkaas wuu u taagan yahay. Waxaan aaminsanahay in aan dhamaanteen u baahannahay in aan garbaha is qabsanno si aan khattarta naga wada dhaxeysa ee halista nagu ah uga gudubno.

SU’AAL: Waxaa Soomaaliya lagu dhaliilaa in xukuumadaheedu ay heshiisya badan oo laba geesood ah galaan kadibna xukuumadaha ka dambeeyaa ay diidaan heshiisyadaas oo kadib ebar laga soo billaabo, arrinkaan dowladaha iyo shirkadaha caalamiga ah waxa uu ku abuuray jahwareer, waxa uuna sabab u noqday in laga fogaado in Soomaaliya heshiisyo lala galo. Maxaad ka leedahay arrinkaan?

JAWAAB: Ugu horreeyn, ilaa hadda ima soo gaarin cabasho arrimahaan quseysa haddeey dowlado ahaan lahaayeen ama shirkadaba, laakiin waxaan kuu sheegayaa heshiisyada ay xukuumadihii hore galeen waa ay shaqeeyaan, waan ixtiraamnaa waana u hoggaansannaa. Waa caadi in dib u eegis iyo dib u qiimeyn lagu sameeyaa heshiisyada oo wax laga bedelaa iyadoo la eegayo waxyaabo aan horay u jirin xilliga heshiiska oo soo cusboonaada, arrinkaasna waxaa lagala hadlaa dhinaca ay quseyso, annaga xukuumad ahaanna waan u hoggaansannaa wax walba oo xukuumadihii naga horeeyay ay u hoggaansameen.

SU’AAL: Inooga sheekeey barbaaritaankaagi iyo billowgii noloshaada?

JAWAAB: Magacayga waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ku dhashay Muqdisho 55sano ka hor xaafadda Iskuraran (Waa xaafad obosiibo/Tokiyo ahayd oo qeybta qadiimiga ah ee Muqdisho ku taallay, todobaatameeyadii ayaa la burburiyay, hadda waxaa laga dhisay beerta nabadda), aabaheey ayaa xilligii gumeysiga Talyaaniga magaalada soo galay. Waxaan wax ku bartay Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaana ku takhasusay daraasaadka Mareykanka, waxaan ka qalinjebiyay jaamacadda Bafolo ee gobolka Newyork. Waxaan ahaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeeysay November 2010- June 2011. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la ii doortay 8dii February ee sanadkan.

SU’AAL: Xaaskaaga sidee ku baratay, sideese isku guursateen?

JAWAAB: Xaaskeyga Seynab Macallin waxan isku barannay Muqdisho, isku xaafad ayaan ahayn oo gurigooda iyo gurigeena ayaa isku dhowaa. Mar kale ayaan Mareykanka ku kulannay aniga oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee Washinton iyaduna ay xagga u soo qaxday. 1992 ayaan is guursannay, waxaa inoo jooga 4 carruur ah laba wiil iyo laba gabar.

SU’AAL Naaneystan Farmaajo xageey ka timid?

JAWAAB: Marka hore aabahay ayaa la oran jiray Farmaajo, waa eray Talyaani ah oo waxaa laga wadaa “Bur-cad”. Naaneystaan waxay ka timid sheeko qosol leh; oo ahayd ciidankii talyaaniga ee kontomeeyadii ka talinayay waddanka ayaa soo xiray koox dhallinyara gumeysi-diid ah oo aabahey uu ku jiray, cuntada maxaabiista la siinayay ayaa waxaa kamid ahaa Farmaajada oo Soomaalida intooda badan ku cusbeyd xilligaas, Aabaheey saaxiibadiis waa diideen in ay cunaan, balse isagu horay ayuu u yaqaannay oo wuu cuni jiray wuuna jeclaa waliba, dhallinyarada la xirnaa oo 11 ahaa ayaa isugu soo dari jiray maalin walba qoondadooda, markaas ayuu kaligii cuni jiray, kadib ayey u bixiyeen Farmaajo, maalintaas laga soo billaabo qoyska waxa uu watay naaneystaas.

SU’AAL: Waqtigaaga sideed ugu qeybisaa qoyskaaga iyo shaqadaada madaxweynenimo? Mise leedahay waxyaabo aad ka hesho oo aad sameyso?

JAWAAB: Waqtiga ugu badan shaqada xafiiska ayaa iga qaadata xilligaan, carruurteydana wali Mareykanka ayey joogaan. Gabdhaheyga mid kamid ah ayaa booqasho nagula joogta maalmahaan oo si kumeel gaar ah noola joogi doonta. Markaan runta kuu sheego shaqada madaxtinimo ee Soomaaliya kuuma ogolaaneyso wax kale inaad sameyso, haddey noqon lahayd nolosha qoyska ama mid kalaba. Waa laga yaabaa inaan waqti helo marka ay arrimuhu kala degaan laakiin hadda ciyaar cyaartaas waqti uma haayo. Wax aqriska waa jeclaa, ciyaarahana inta aanan madaxweyne noqon Realmadrid ayaan taageeri jiray oo aan ciyaarahooda daawan jiray laakiin hadda waxaas waa dhamaadeen.

SU’AAL Markii aad Mareykanka joogtay mushaarkaaga waxa uu ahaa $84,000 sanadkii, hadda oo aad tahay madaxweynaha Soomaaliya mushaarkaaga muxuu la egyahay?

JAWAAB: Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushaar ah ma lihi, dowladda ayaa go’aansan doonto in ay ii qoondeyso mushaar madaxeed laakiin, intuu la ekaan doono ma garanayo, maxaa yeelay miisaaniyadda madaxtooyada wali lama meel marinin. Madaxweynaha Soomaaliyana shaqo kuma laha jaangooynta mushaarka, xaqna uma laha in uu khasnadda dowladda ama Bankiga Dhexe lacag kala baxo, sidaa darteed waxaan sugayaa meel marinta miisaaniyadda.

SU’AAL Dadka wax ka dhaliila maamulka madxtooyada waxa ay sheegaan in aad wali ku nooshihiin xilligii ololaha doorashada oo aadan wejiyo cusub ku soo darina madaxtooyada, maxaad uga jawaabeysaa?

JAWAAB: (isaga oo qoslaya) Waxaa laga yaabaa in ay ku gar leeyihiin arrinkaas, laakiin xiriir lama laha nin jecleysi kooxdeyda ah, xafiiska waan ku cusub nahay, dadka wax naga sheegana malaha ma aysan fiirinin golaha wasiirrada iyo hoggaannada kale ee dalka loo magacaabay, intooda badan waxa ay ka yimaadeen bannaanka kooxdeyda, waxaana ku xulannay aqoontooda.

SU’AAL: Waa sidee xiriirka aad la leedahay madaxdii kaa horreysay?

JAWAAB: Xiriir fiican ayaan la leeyahay madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud, waan booqday , booqashadii iigu dambeysay ee Turkiga oo uu deggan yahay, sidoo kale madaxweynihii ka sii horreeyay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo aan mar walbo teleefanka ku wada hadalno, aad ayaan u dhageystaa waana ixtiraamaa. Saddexdeenu waxa aan ku tartannay doorashadii u dambeysay iyada oo aysan xasaasiyad jirin, mana hilmaamayo sawirkii aan saddexdeena galanay maalinta doorashda markii aan xilka ku guuleystay kadib, labadii madaxweyne ee iga horeeyay oo labada dhinac iga kala taagan, waxay calaamad u ahayd biseylka ay Soomaalidu gaareen marka laga hadlayo awoodda oo si nadab ah loo wareejiyo.

SU’AAL: Ma maqashaa qaraxyada ka dhaca caasimadda? Sideese dareentaa markaad maqasho?

JAWAAB: Mararka qaar waan maqlaa hugunka qaraxyada, aad ayaana ugu murugoodaa muwaadiniinta ku dhibaatooba falalkaas argagixiso, ka sokoow mas’uuliyada uu xilkeyga igu waajibinayo, waxaan ahay aabe carruurna waan leeyahay, waan garan karaa dhacdooyinkaan oo kale oo aabayaal iyo hooyayaal carruurtooda shaqo ama waxbarasho u diray ay u laabtaan iyagoo go’go’ay oo cad cad ah, waan la murugoodaa carruurtaas sugaya hooyooyinkood iyo aabayaashood in ay shaqada ka soo laabtaan kadibna agoon noqda, fal-dambiyadeedyadan dartood. Waxaan aad uga xumaadaa dhallinyaradan la marin habaabiyay oo jannada ka raadinaya in ay ehelkooda qarxiyaan, halka hoggaamiye-yaashooda ay dhacadiid u jiifaan qololakooda aaminka ah ama duurka iyagoo aduunyada ku raaxeysanaya, carruurta kalene u diraya janno aakhiro oo aysan waxba ka jirin.

SU’AAL: Waa maxaY farriinta aad u direyso dalalka carbeed ee ku jira dhibaato u eg tii uu waddankaaga soo maray?

JAWAAB: Farriinta aan dowladahaas u dirayo madax iyo shacaba waa in ay dhibaatada dalalkooda ku xalliyaan wada hadal iyo is fahan, waxaan hubaa haddii dagaalka carbeed uu boqol sano socdo inuusan jiri doonin mid guuleysta iyo mid laga guuleysto, waxaan xusuusinayaa in ay taariikhdu na leedahay dagaal walba iyo muran walba gabagabadii waxa uu ku dhamaanayaa wadahadal, marka haddiiba gebogebada sidaa tahay, maxaa diidan inaan ka billowno halkii aan sanado iyo sando dagaallami lahayn kadibna aan wada hadli lahayn, markii ay wax walbo kharribmaan sida aan inaga sameynay oo kale. Waxaan ku leeyahay dadka carbeed wax ka barta tijaabada Soomaalida oo  waddadii aan soo marnay haku laabanina, waddadaas waa waddo daal badan. Waxaan ku darayaa; walaalka carbeed ee weyn “Boqor Salamaan” oo ilaalintiisa ay gaarto walaalaha yar yar inu uu muhiim u yahay xilligaan sida uu horayba muhiim ugu ahaa, Soomaalida waxa ay sugeen faragelinta walaalkaas weyn walina  wey sugayaan, dowladaha carbeed ee iminka ay dagaallada halakeeyeen waxa ay u baahan yihiin faragelinta walaalkaas Carabeed.

Wareysigan waxaa qaaday: Cali Xalane oo wargeyska Sharq Al-awsat ka tirsan

Waxaa turjumay: CaliNuur Salaad

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE