Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacey Dalka Turkiga Oo Ay Ku Dhinteen 13 Askari

Dowlada Turkiga ayaa xaqiijisay in 13 kamid ah ciidamadooda ay ku dhinteen shil ka dhacay gobalka Sirnak ee saaran xaduuda uu wadankaasi la wadaago Ciraaq.

Diyaaradan askarta siday oo ahayd nooca helikobterka ayaa Arbacadii shalay ku dhacday fiilooyinka korontada markii ay duuleysay mid kamid ah saldhigyada militariga Turkiga ku leeyahay deegaankaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Difaaca ee Turkiga.

Shilkan ayaa kusoo beegmay xili ay militariga Turkiga hawlgalo ka dhan ah dagaalyahanada Kurdida ka wadaan gobalkaasi buuraleyda ah ee Sirnak ee bariga dalkaasi.

Xukuumada ayaa goobta shilka ka dhacay u dirtay mas’uuliyiin sar sare oo uu ku jiraan Raysalwasaare kuxigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE