Dhageyso Hogaamiye Kooxeed Axmed Daaci Oo Mar Kale Weerarey Hanaanka Xasilinta Caasimadda Ee Muqdisho

Hogaamiye kooxeed Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo horey usoo noqdey Gudoomiyaha dgmada Wadajir ayaa weerar afka ah ku qaadey dowlada fedaraalka ee Soomaaliya oo dhawaan baas gareysay hanaanka xasilinta Caasimadda.

Axmed Daaci ayaa mar kale ku celiyey in dowladda ay ku fududaatey hub ka dhigista siyaasiyiinta iyo hogaamiye kooxeedyada hubka ku dhex haaysta Magaalada Muqdisho, wuxuu qiil iyo daliil ka dhigtey Axmed Daaci in Shabaabka fursad loo siinayo inay si fudud ku beegsadaan dadka hubka laga dhigaayo.

Wuxuu difaacey kooxo ku labisan dareyska Milateriga oo dhawaan hub ka dhigis loogu sameeyey degmada Wadajir gaar ahaan suuqa weyn, ka idb markii ay dagaalameen oo ay diideen inay hubka dhigaan.

Qab qablayaal iyo hogaamiye kooxeedyo hub fara badan ku haaysta magaalada Caasimadda ah ee Soomaaliya ayaa culeys u arka barnaamijka xasilinta Caasimidda ee loo xil saarey Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala yimid hey’adaha kala duwan ee amniga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE