Dhageyso Isbaariiste Ka Tirsan Xildhibanmaada K/galbeed Oo Sheegay Inay Alshabaab Heshiis Ku Yihiin Barakicinta Shacabka Shabeelada Hoose

Isbaariiste Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaaate) oo kasoo jeeda deegaanka Ruunirgood ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegey in dagaalka shabeelada hoose ka socda ay heshiis ku yihiin Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Garmaqaate oo isbaaro ay u taalla degmada Afgooye islamrkaana ka mid ah Xildhibaanada sida xaqdarada ah uga midka ah  Maamulka K/galbeed, ayaa waxa uu eedeymo usoo jeediyey Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Isbaariistahan qaati ay ka taaganyihiin Shacabka reer Afgooye ayaa dhawaan fashil iyo jab kala kulmay maleeshiyaad uusoo dagaal geliyey oo ka barbar dagaalamayey Kooxda Alshabaab, isagoo markii dambe si toos ah warbaahinta uga sheegay in Ciidamada AMISOM ay iyihiin kuwa hortaagan qabsashada deegaanada ay Shabaabka kula heshiiyeen inay wada qabsadaan.

Hadalkan warbaahinta uu siiyey Isbaariiste Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) ayaa ka hor imaanaya hadal dhawaan kasoo baxey Madaxweynaha K/galbeed oo sheegey in Shabeelada hoose ay ku dagaalamayaan Ciidamada Mamulka iyo Maleeshiyaad Alshabaab ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE