Dhageyso Jiif Caaqilka Beesha Biimaal Ee Magaalada Hargeysa Oo Fariimo Kala Duwan U Direy Dowladda Fedaraalka Iyo Maamulka K/galbeed

Jiif Caaqil Maxamed Maxamuud Sheekh Ibraahim oo ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa ka hadley xaaladda Bina aadannimo ee ka jirta qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada Hoose.

Jiif-caaqilka ayaa dagaalada ka jira Shabeelada hoose ku sheegay inay socdaan shan sano iyo lex bilood, hase ahaatee laga gaabiyey in wax loooga qabto sidii looga baahnaa.

Madaxda dowladda Fedaraalka ayuu u jeediyey baaq ah in ay kaalintooda ka qaadataan sidii Shacabka loogu gargaari lahaa, isagoo fariin gaar ah u direy Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo ay saarantahay Mas’uuliyadda Umadda.

Hoos ka dhgeyso Codka Jiif-caaqilka oo fariin kala duwan xambaarsan

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE