Dhageyso Warbixin Madaxweynaha Mareekanka Oo Shaaciyey In Uu Ka Baxey Hesiiskii Paris Ee Cimilada Iyo Bey’ada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Maraykanka uu isaga baxayo heshiiskii horey u saxiixay ee ka hortagida iyo Hoos u dhigida Saameynta xun ee Warshadaha ku hayaan bay’ada iyo cimilada isbedaleysa.

Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii.

Heshiiskaasi oo loo yaqaan [Paris Climate Accord] ayaa qeexayey in dalalka warshahadaha badan iyo kuwa soo koraya ay dhamaantood ka shaqeeyaan sidii hoos loogu dhigi lahaa Warshadaha wasakheeya bay’ada oo lala xariirinayo cimilada isa sii bedalaysa ee caalamka.

Dowladii hore ee Barack Obama ayaa saxiixday heshiiskaasi oo laga soo saaray shirweynihii sanadkii 2015 ka dhacay magaalada Paris, Maraykanka iyo China ayaa ah labada dal ee ugu warshadaha badan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE