Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Deeq Isugu Jirta Daawo Iyo Raashiin Ka Qeybiyey Magaalada Baraawe (Sawiro)

Maamulka Gobolka Shabeelada hoose oo uu wehliyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka K/galbeed ayaa deeq Daawo iyo Raashiin isugu jirta ka qeybiyey Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Deeqda Dawada iyo Raashiinka oo ay soo dhiibtey Wasaradda Gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka ee dowlada dhexe ayaa munaasbadda ka dhacdey Isbitaalka Baraawe oo goob ay ahayeen Gudoomiyaha Degmada iyo Howlwadeenada Caafimaadka ayaa Madaxdu ku wareejisey Daawada.

Dhinaca kale deeq Rashiin ah oo ka timid isla Wasaaradda Gargaarka ayaa loo qeybiyey in ka badan 750 qoys oo dan yar oo ku dhaqan magaalada Baraawe, waxaana deeqdan isugu jirta daawada iyo raashiinka ay ku beegmeen xilliydii ay ku hoboonyeen.)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE