Maamulka Nambar 50 Oo Deeq Lacageed Uu Qeybiyey Shacab Barakacayaal Ah (Sawiro)

Maamulka Degmada Nambar 50 oo ay wahliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa booqdey xaafadaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleedka Nambar 50.

Dadkan oo deegaan0 badan ay ka qaxiyeen Maleeshiyada diin laabayaasha ah ee Alshabaab ayaa Maamulka deegaanka ka gudoomey deeq lacag ah oo loogu talagalay inay dadku ka dhigtaan noolli, maadaama deegaanka ay ka jiraan dhibaatooyin xaga nolosha ah.

Saraakiisha iyo Ciidanka AMISOM ayaa si ay kalsooni ku jirto guri guri u booqdey xaafadaha ay ku noolyihiin dadka dan yarta ah, waxaana saaraakiisha ay warbixinno ka dhegeysteen duqeyda.

Deeqdan lacagta oo loosoo marsiiyey Maamulka ayaa shacabka si aad ah uga mahadceliyey, iyagoo u duceeyey dadka muxsiniinta ah ee deeqda soo baxsadey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE