Qarax Loo Adeegsadey Gaari Oo Ka Dhacey Dalka Sacuudiga (Sawiro)

Labo ruux ayaa ku dhimatay gaari ku qarxay magaalada Qatif ee ku taalla bariga dalka Sacuudiya Carabiya halkaasoo ay degaan shiicada laga tirade badan yahay ee dalkaas ku nool.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay qof goob jooga ah oo dalbaday in aan la adeegsan magaciisa, ayaa sheegay in baabuurta gargaarka degdegga ahi goobtaa shilku ka dhacay buux dhaafiyeen, si ay u qaadaan dadka dhaawaca iyo dhimashada soo gaartey.

Dadka degan magaalada Qatif ayaa iyaguna u sheegay inay maqleen daryanka qarax weyn isla markaana ay arkayeen qiiq cirka isku shareerey oo ka kacay goobta qaraxu ka dhacay.

Baabuurta gaashaaman ee booliiska ayaa sida dadka goob joogga ahi sheegayaan haatan ku gadaaman goobta qaraxu ka dhacay oo baaritaano ay ka wadaan ciidamada amaanka Sacuudiga.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE