Sarkaal Ka Tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab Oo Muqdisho Lagu Qabtey

Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo howlgal ka sameeyey magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigey Sarkaal ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Howlgalkan Ciidamadu sameeyeen ayaa ka dhacey degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley, waxaana suuragashay in lasoo qabto sarkaal la baadi goobayey oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo howlgalka guri guri ay u galaayeen Ciidamada.

Saraakiisha amaanka ee xasilinta Caasimadda weli kama ay hadlin qabashada Sarkaalkan, hase ahaatee waxa weli Muqdisho ka socdo howlgallalo lagu baacsanayo kuwa falalka amni darada ah sameeenaya iyo hubka sharci darada ah ee lagu dhex wato magaalada gudaheeda.

Inkasto ay socdaan howlgallo amni xaqiijin ah ayaa dhinaca kale waxa weli socda dilalka iyo weerarada lagu qaadayo dadka shacabka iyo kuwa u shaqeeya dowlada Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE