Sawiro Diyaar-garowga Ciyaarta Finalka Champions League Oo Berri Ka Dhaceya Magaalada Cardif

Waxa galabta garoonka lagu qabanayo ciyaarta Finalka ee Champions league ee magaalada Cardiff ciyaar tababar ah ku lahaa ciyaaryahanada kooxda Juventus.

Ammanka garoonka martigelin doonta ciyaarta finalka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo hubeysan la dhigay hareeraha garoonka, iyadoo kuwo kalena ay gaaf-wareegayaan bartamaha magaalada Cardiff oo uu ku yaalo garoonka lagu qabanayo ciyaarta.

Taageerayasha labada kooxood ee Juventus iyo Real Madrid ee fooda isku daraya ciyaarta finalka ayaa soo gaaray magaalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE