Ciidamada Xasilinta Amaanka Muqdisho Oo Fashiliyey Qarax Miino Ah Oo Lagu Aasey Wadada Dhinaceeda

Ciidamada Xasilinta Ciisimadda Muqdisho ayaa fashilyey Qarax Miino ah oo lagu aasey meel wadada dhinaceeda ah oo ku taalla Degmada Waaberi xaafad ka tirsan oo lagu magacaabo 21-ka Oktoobar.

Qaraxa Miinada oo la qorsheenaayey in lagu gumaado Shacab badan ayaa Ciidamada amnigu ku guuleysteen in ay kasoo saaraan halkiiu lagu aasey, iyadoo markii dambe ku qarxiyey Miinada goobtii lagu qabtey.

Inta aan Miinada la qarxin ayaa hareeraha halka ay ku aasantahay laga fogeeyey guud ahaan shacabkii ku dhaqnaa, si looga badbaadiyo waxyeelada ka dhalan karta qaraxa iyo jugta culus. afahayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C.fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in lagu guuleystey fashilinta Miinada.

Waxa la aaminsanyahay in habeenkii xalay Miinada lagu aasey xafadda 21-ka Oktoobar oo ka tirsan Degmada Waaberi, hase ahaatee Shacabka xaafadaas ayaa saake ku war geliyey Ciidamada amaanka in Miino la aasey, taas oo markii dambe laga hortagey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE