Deegaanada Ay Maamulaan Maleeshiyada Alshabaab Ee Shabeelada Hoos Oo Cabsi Badan Ay Ka Taagntahay

Deegaanada ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose ee weli ay  -maamulaan Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagantahay cabsi xoogan oo soo foodsaartey horjoogayaasha Shabaab.

Cabsida oo soo taagneyd Todobaadyadii lasoo dhaafey ayaa hada wararka aan heleyno ay sheegayaan in ay gaartey meel xun, taas oo keentey in ay ku hoyan waayaan guryaha iyo xarumaha ay ka degenyihiin deegaanada ay maamulaan.

Wararka ayaa tilmaamaya in Cabsidan ay ka dambeysey ka dib markii lagu dhawaaqey howlgal ka dhan ah Alshabaab, islamarkaana la diyaariyey Ciidamadii la wareegi lahaa deeganaada lagu dhibaateenayo Shacabka.

Degmooyinka Awdheegle iyo Janaale oo ka mid ah Shabeelada hoose ayaa laga saarey inta badan Maleeshiyadi ku sugneyd, halka horjoogayaasha ay ka rarteen alaabtii iyo agbkii Guryaha ay ku joogeen, waxa deeganada ku harey maleeshiyaad tira yar oo u  iyaarsan in ay kala ordaan marka ay maqlaan in lgu soo foodleeyahay.

Magaalada Marka oo Alshabaab ay ka joogaan Maleeshiyaad kooban iyo horjoogayaal ayaa lagu soo waramaya in ay faafrijiyeen, waxaa sida muuqata ay si dhow ula socdn dhaq dhaqaaqa Ciidamada xoogga dalka oo soo gabagabeeyey diyaar garowgii y ugu jireen.

Warar aan heleyno ayaa ku Waramaya in maalmaha soo aadan la bilaabi doono holwgallo ka dhan ah Maleeshiyada argagaxisada ah ee lshabaab, waxaana Ciidamada dowladda ay la wareegi doonaan degmooyin iyo deegaano ku yaalla Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE