Dhageyso Dood Kulul Oo Ku Saabsan Hub Ka Dhigista Ka Socota Magaalada Muqdisho

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya magaaladda Muqdisho ka bilowday howlgalka xasilinta ayaa waxaa soo baxaya in saraakiil badan oo dowladda ka tirsanaa ay diidaan in hubkooda ku wareejiyaan dowladda.

Dood ka baxday BBC-da ayaa la isugu keenay saraakiil iyo odayaal ka doodaya in arinta hubka qaadista ay kusoo aaday xiligii saxda ahaa iyo hadii dadka magaaladda Muqdisho ay ku qanacsan yihiin.

Dadkii doodaas ka qeyb galay waxaa kamid ah Korneyl Axmed Warsame Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha hore ee milatariga Soomaaliya, waxaana uu sheegay inuu la yaaban yahay sababta Muqdisho ku ekeeyay howlgalkaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE