Faafaahinno Kasoo Baxaya Weeraro Qaraxya Ah Iyo Mid Toos Ah Oo Ka Dhacey Deegaanka Kulbiyow Ee Gobolka Jubada Hoose

Wararlka ka imaanaya Gobolka Jubada hoose ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacey dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Dagaalka ayaa wararka la helaayo ay sheegayaan in markii hore uu ku bilowdey weerar qaraxya ah oo dhinaca Koonfur ay kasoo qadeen koox naftooda halligayaal ah, waxaana markaa ka dib xigey dagaal toos ah oo lagu qaadey saldhiga Ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbland ayaa sheegay in ay jabiyeen Maleeshiyadii weerarka soo qaadey, ayna ka dileen ku dhawaad 40 askari, hase ahaatee daqiiqado ka dib ayaa waxa soo rogaal celiyey Maleeshiyadii la jabiyey oo mar kale dhanka Bari deegaanka kasoo weerarey.

Waxa jira warar sheegaya in weerarka rogaal celinta ah uu ku bilowdey ilaa seddax qarax oo loo adeegsadey qaraxyo, halkaas oo mar kale dagaal culus uu ku dhex marey Maleeshiyada Alshabaab iyo Ciidamada huwanta ah ee Kulbiyow ku sugnaa.

Dagaalka iyo weerarka oo qarxey shalay salaaddii maqrib xilligii afurka islamarkaana soo gaarey ilaa xalay Sagaalkii Fiidnimo ayaan laga haaynin faafaahin rasmi ah, iyadoo hawada laga saarey isgaarsiintii deegaanka ka jirtey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE