Warbixin Isbaariiste Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) Oo La Ogaadey Cidda Usoo Dhiibta Wararka Warbaahinta Uu Siiyo (Sawir)

Isbaariiste lagu magacaabo Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) oo ka mid ah Xildhibaanada sida xaqdarada ah ugu jira Maamulka K/galbeed ayaa maalmahan waxa si weyn u buun buuninaya Warbaahinta Mooryaanta taageerta ee Radio Shabelle.

Garmaqaate oo Bedelay Kaaba Mooryaano iyo Dagaal oogayaal caadeystey hurinta Coladda Shabeelada hoose ayaa la ogaadey cidda adeegsata iyo ujeedada ka dambeysa hadalada uu kasii daayo Idaacadda Sharwadayaasha ah ee Radio Shabelle.

Warbixin aan ka helnay Degmada Afgooye ayaa sheegeysa in dhawaan dagaal wajigiisu ka duwanaa kuwii horey u dhici jirey uu ka dhacey degaanka Muuri, halkaas oo dagaal afar geesood ah uu ku dhex marey Maleeshiyaad uu soo dagaal geliyey Garmaqaate oo garab siinayey Alshabaab iyo Ciidamada Maamulka Nambar 50 iyo AMISOM oo roondo ku maraayey inta u dhaxeysa Muuri iyo Laanta Buuro.

Isbaariiste Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate)

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Ninkan Isbaariistaha ay adeegsadaan Kaaba Mooryaanno uu ka mid yahay Cabdul Cilmi iyo kuwo kale oo awoodi waayey inay ka hadlaan dagaalada, marba hadii Maamulka deegaanka uu si cad u sheegey in uu dhamaadey dagaal qabiil, islamarkaana ay jirin cid kusoo dhiiran karta oo qabiil ah  oo dagaal kusoo qaadi karta deegaanka.

Dagaal Oogayaasha oo waaga ku baryey markii K/galbeed si toos ah uga hadashey dagaalka Shabeelada hoose ayaa bilaabey in ay adeegsadaan Isbaariite Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) oo laba Isbaaro ay u taallo degmada Afgooye, hase ahaatee bulshada isaga dhiga shakhsi laga nabad galo.

Garmaqaate oo kasoo jeeda deegaanka Ruunirgood ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa lagu xasuustaa Isbaarooyinkii Bilqan ee yiilay Gobolka Shabeelada hoose, waxa uu ka mid noqdey shakhsiyaad dhowr ah oo si sharci la’aan ah loogu darey Xildhibanada Maamulka K/galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE