Ciidamo Ay Leeyihiin Dowladaha Reer Galbeedka Oo Howlgallo Ka Fuliyey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Jubada Dhexe

Wararka ka imaanay magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacey howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidamo cadaan ah oo u dhashay dalalka reer Galbeedka.

Deegaan lagu magacaabo Weel-maarow oo ka tirsan degmada Jilib oo qiyaas ahaan 60 km dhanka galbeed kaga beegana ayaa wararku waxey sheegayaan in habeenkii xalay howlgal culus ay ka sameeyeen diyaarado kuwa Milateriga ah.

Ciidamo cadaan ah ayaa la sheegayaa oo kasoo daatey diyaardo inay ku degteen deegaanka Weel-maarow, halkaas oo la tuhunsanyahay inay ku yaallaan saldhigyo iyo xarumo ay degenyihiin horjoogayaal ka tirsan kooxda Alshabaab.

Ciidamada ayaa sida wararku sheegayaan dagaal toos ah la galey Maleeshiyaad Shabaab ah oo halkaasi ku sugnaa, iyadoo aan la ogeyn ujeedada howlgalka iyo cidda lagu bartilmaameedsadey, waxa jira warara sheegaya in diyaaradaha howlgalka ay kaga qeyb qaateen duqeymo.

Ma jiro wax ar ah laga helaayo diyaaradaha Milateri ee xalay weerarka ku qaadey Gobolka Jubada dhexe, mana la oga dalka ay u dhasheen Ciidamada howlgalka sameeyey, iyadoo faafaahin dheeraad ah aan lagha helin halka ay wax ka dhaceen.

Isgaarsiint deegaanka ayaa hawada ka maqana, wax yar ka dib ayaa hawad laga saarey Isgaarsiinta deegaanka si loo qariyo xogta iyo warbixinada laga heli lahaa howlgalka ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal iyo Ciidamo cadaan ah.

Meel ku dhow deegaankan ayaa la aaminsanyahay in uu ku xanuunsanayo horjoogaha Alshabaab Ninka lagu magacaabo Axmed Diiriyo oo lagu bedelay horjoogihii hore Axmed Cabdi Godane.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE