Dhageyso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feadaraalka Ee Soomaaliya Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabaneysa Ka Jeediyey Isu Soo Baxii Ka Dhacey Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feadaraalka ee Soomaaliya ayaa oo ka qeyb galaayey dibad baxa uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa khudbad xasaasi ah ka hor jeediyey kumaan shacab ah oo isu baxay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore sheegay in xasilinta dalka ay ahmiyadda koowaad siin doonaan, isagoo wacad ku marey in aan loo aaba yeelli doonin askarigii qof shacab ah dhibaataya ama dil u geysta, wuxu si kulul uga hadlay isbaarooyinka iyo khalalaasaha ay geysanayaan Ciidanka dareeska Milateriga ku labisan.

Waxa dhainaca kale uu ka hadlay arimha adeegga garsoorka, oo ku sheegay in aan loo dulqaadan doonin wax cadaalad dara ah oo ka dhac dalka, Garsoorayaasha yuu ugu baaqey in ay ka fiirsadaan xukunada isdaba jooga ah ee ay ku ridayaan gurha la kala haaysto.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in hadii Maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalka joojiyaan dalku uu nabad helaayo islamarkaana Ciidamada AMISOM ay dib ugu laabanayaan guryahooda.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uu usoo magacaabay Ra’iisul Wasaare ka wanaagsan Shakhsiyaddiisa, Ra’iisul Wasaarahana uu Keenay Wasiiro ka wanaagsan ,Wasiiradana laga rabo in ay keenaan Shaqaallo ka wanaagsan.

Hoos Ka Dhageyso Kudbadda Madaxweyanah oo dhinacyo badan taabanyesa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE