Gudoomiyahii Makamada Ciidamada Qalab Sida Ee Puntland Oo Maanta Xilkii Laga Qaadey

Guddoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolada Bari, Karkaar,Sanaag, Hayland iyo Gardafuu Kornayl Cabdi Fataax Xaaji Aadan, ayaa xilkaa uu ka qaaday Madaxeynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Cabdi Fataax Xaaji Aadan oo soo shaqaynayay lixdii sano ee ugu dambaysay ayaa waxaa loo magacaabay Garsoore ka tirsan Maxkamada sare ee Puntland.

Cabdi Fataax, ayaa sheegay in Isku shaandhayntu ay saamaysay dhamaan garsoorka, uuna ku faraxsan yahay sida wax u dhaceen.

Kornayl Cabdi Fataax Xaaji Aadan, ayaa lagu xasuustaa Xukunadii uu ridi jiray mudadii uu xilka hayay, kuwaas oo u badnaa Kiisaska Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE