Madaxweynaha Iyo Ra’iisalwasaaraha Oo Gaarey Halka Uu Ka Socdo Dibad Baxa Ee Banaadir Stadium (Sawiro)

Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweynaha ayaa hada ka socda Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Kumanaan ruux oo badan haween ayaa ka qeyb qaadanaya banaan baxa lagu taageerayo Madaxweynaha, kuwaasoo saakay gaadiid looga soo qaaday degmooyinka, waxaa ay wataan calanka Soomaaliya, fanaanado iyo Koofiyado uu ku sawiran yahay Madaxweynaha.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano, qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa gor dhow gaarey halka uu ka socdo dibad baxa, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Ciidamada Bambeyda Boliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona banaan, baxa, taasoo noqoneysa khudbadii u horeysay ee uu shacabka ka hor jeediyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE